sheekada wiilwaal

sheekada wiil-waal 

sawir




sheekada dheer  ee suldaan Wiil-waal

Ummad waliba waxay leedhay dhaqan u gaar ah, oo qarannimadeeda, midnimadeeda,

iyo hiddaheedu ku dhisan yihiin, Dhismahaana waxa lagu ilaalin karaa, afka oo la

qoro, muddadii badneyd ee aan afkeennu qorneyn, tabaalooyin badan baa

hiddaheenna iyo dhaqankeenaba muteen, Waxaynuse ku ayaan badan nahay

qoraalkaa afkeenna aynu qornay, oo daba qabtay murtideenna layaabka leh, kagana

kaban karra wixii inna dhaafay.

 

Haddaynu u kacno xagga sheekooyinka hiddaha ah waxaynu kala kulmaynaa kuwo

murti qoto dheeri ku jirto, kuwo xifaale ah, kuwo maaweelo iyo madadaallo leh iyo

kuwo halxiraale ku jirto, waxbarasho iyo aqoon tijaabinba leh. Sheekooyinkaas oo

runtii taariikh ahaan muujinay sida dhaqankeennu ahaan jiray, waxaa ka mid ah

sheekada dhex martay Willwaal iyo Aw-samatar. Leeddo.

 

Wiilwaal waxa uu ahaa nin garaad ah oo hal adag. Geesi gacalna ku hiro, nacabna ka

hakado, seeftiisuna aanay galka ku jirin. Oo dood, deeq iyo dagaaalba ku fiican, sida

gabyadiisu muujinayaa:. Gacan iyo in geed laga hadliyo gobanimo sheegtay. Wiilwaal

oo maalin meel maraya, ayaa jidka kula kulmay nin wadaad caalima ah, diintana ku

xeel dheer, dadkuna ku wada yaqaan oo la oran jiray Aw-Samatar leeddo, Wiilwaal

baa ku yiri; "War horta wadaadow, maxad dadka ku waanisaan aad u sheegtaan?"

Aw-Samatar baa intuu garaadkii kor u eegay dhoosha ka qoslay, Kolkaasuu si fudud

u yiri, "Garaad cabsida Ilaahay baannu dadka ku waaninaa".

Wiilwaal baa cabbaar aamusay, Intuu faraskii ka soo degay oo wadaadkii fool-kafool

isku hor taagay, ayuu waydiiyey, isagoo ilka cadddaynaya waxa uu yiri, "oo wadaad,

Ilaahay mooyee, cid kale oo olaga cobsadaa miyaana uusan jirin?".

Wadaadkii baa naxay oo yaabay oo u qaadan waayey. Gadaa! buu u booday sidii uu

dhuxul dab ah ku joogsaday. Waxa uu muujiyey diidmo oo dhabanka qabsaday

kolkaasaas ayuu hoos u yiri; "sidii uu isagu isla hadlayo, "inaa lillaahi waa innaa ileyhi

raajicuun! Garaad cabsida Ilaahay cidna laguma labayn karo. Ilaah mooyee cid kale

oo laga bagaa ma bannaana".

Wiilwaal baa iska dhaqaaqay, faraskiisii dusha uga dhacay oo wadaadkii ku yiri;

"dood baan ka leeyahay ereygaase, bal haddaba wadaaddadiina oo dhami isu qaylo

dirta oo waa in birrito iyo geedkii halkaas ahaa".

Meeshii baa lagu dhaqaaqay. Wadaadkii baa qaylo kula dhax kacay culimadii

degmada. Wiilwaal iyo arrinkiisii buu uga warramay. Halkii abaa laysu wada cid

dirsaday. Kutubtii baa la soo qaatay si wiil-waal looga dhaadhiciyo waxa uu sheegaa

in aysan jirin.

 

Wiilwaalnaa muxuu sameeyey? Meel ood badan oo dhibba la yiraahdo, jigjigana u

dhow, ayuu geed ka sameeyey ardaa ilaxir leh, irrid keliyana u banneeyey, daaftana

dareemo iyo caws si dabecsan loogu gogley, dacalladna deyr jog nin le'eg yahay.

Aqal-Soomaali weyne, waxa uu ka dhisay ooda bawdka dhabarkeed. Ari wanan soocan

ahaa, meeshii buu keenay. Col frdooley ahna, bowdkii buu gees kastaba laba nin ka

joojiyey.

 

Wadaadadii oo halkii loo goglay dhaalacayna, kutubtiina geedka u suran tahay,

su'aashii ay filaayeen ee mesha u yimaadeenna u darban, ayaa Wiilwaal oo hareerapk

socdaan laba nin oo xoog weyne, dharkii dagaalkana huwan, laba seefoodna kala sita,

ayaa wadaaddadii irridda iska soo taagay. Intuu faadhumeystay oo lugba meel

dhigtay giirna iska kiciyey oo kelyaha qabsaday, Wadaaddadiina il xun ku

ayuu labadiisii nin ku yiri; "qabta" isagoo gufuurka cirka u taagaya.

 

Labadii nin ee xoogga weynaa, ayaa labadii wadaad ee ugu soo xigay soo qabtay oo

kaxeeyey. Aqalkii bawdka ku dheggenaa bay la galeen. Kolkaasaa qub iyo qac iyo ovli

caacdu yeertay. Wadaaddadii oo yaabsan, oo dhegaha taagaya talana ku furan

tahay, ayaa labadii xoogga weynes soo noqdeen. Wiilwaal bay is hareero taageen

iyagoo seefihii oo dhiigga tifta hayo gacmaha ku sita.

 

Wiilwaal oo weli afka cirka u tagaya, foolkana uruurinaya, ayaa haddana labadii nin

ku yiri; "qabata" sidii oo kale ayaa laba wadaad lala kala orday, aqalkii lala galay oo nd

qub iyo qacdu yeertay, seefihii oo dhiig lehna mar kale soo noqday.

 

Mar Alle markii ay wadaadadii arkeen labadii xoogweyne oo soo noqday ayey ooda

jebiyeen, qabac.. qayb iyaga ka mid ah, ayaa bawdkii intii dhere le'ekaa xagga shishe

iska dhigtay. Colkii fafooleydii ahaa ee debedda tubnaa, ayaa soo qabqabtay wixii

fakaday, Wadaaddada intiikalena, siday isu garbinayeen ee midba kan kale dusha uga

fuulayey, ayaa muskii oogada looga baxay. Iyadoo raggii la moodo biiq la qabtay oo

gaar jirkoodii ooddii jeex-jeexday, qaarna dubku ka hoolmay sidii loogu tumanayey

oo nin waliba leeyahay, "Tolow goormaa adna gacanta laguugu dhigi'.

"War waa sidee? Oo maxaa idiin helay" Saw adinkii lahaa Ilaah mooyee cid kale

lagama cabsado".

Goortaasaa ayaa wadaaddadii qaylo afka kala waaxeen; "war garaad hanna

dhammayn, war garaad hanna dhammayn!" Wiilwaal baa kolkii yiri; "haddaba ma

ogaateen in Ilaahayna laga cabsado, aadmigiisana laga baqo oo aadamiga qaarkiis

kalsooni adag ka magan tahay? Manta ka dib, wadaad hub la'aa ah yaana arkin.

Wadaad walowba qalabkaaga qaaado oo dadkaaga dhinac ka raac diinaa ilaasho".

Afartii wadaad ee markii hore laga kaxeeyeyna, iyagoo aan waxba wanankii

maritqaadka loo keenay mid soo gowracan yahay, ayey seefihii oo dhiig leh la soo

noqdeen si ay wadaaddadii kale u cabsi geliyaan.

 

Halkii baa wadaaddadii martiqaad sharaf leh loogu sameeyey, kolkii uu xasharkiii u

dhammaaday ee la garansiiyey in hub la'aanatu ay dhib leedahay.

Murti Soomaaliyeed waxay dhahdaa:Dagaal gondahaaguu ka dhashaa.

Dooddaa wadaaddada iyo Wiilwaal dhex martay waxay muujinaysaa in Wiilwaal

ujeeday, Culimada diintoodana inay haystaan oo ilaahay ka cabsadaan, dalkoodana

wax ku taraan af iyo addinba cadowga bannaanka ka soo weeraraa ka ilaaliyaan.

 

                    maxaad kafahantay sheekada wiil-waal

Post a Comment

halkan ii dhig wixii su'aal,fikrad ama talo siin ah.

Previous Post Next Post
soo dhawoow? WhatsApp aan kuwada sheekesano
Asc, walaal maxaan kaacaawiyaa? ...
Halkaan riix si aad...
Youtube Channel Image
ALI ABDI AHMED Subscribe saaro si aad uhesho muuqaaladii ugu danbeeyay
Subscribe