waa maxay tix iyo tiraab

                              

                               TIX IYO TIRAAB

Inta aynaan geexin waxa ay kala yihiin tix iyo tiraab, waxa habboon in aynu marka

hare qeexno waxa uu yahay afka Soomaaliga ee ay tixdu iyo tiraabtuba ay ka mid

yihiin oo ay raac-san yihiin suugaaanta Afka.

Af Soomaligu waa af xuruuftiisu ay laatiin ay yihiin dhawaaqyadiisu ay carab yihiin.

Waxaana la qorey fartiisa sannadku markii uu ahaa 1972.

Cadadka uu far-soomaaliga ka kooban yahay ama leeyahay waa toban shaqal, kow iyo

labaatan shibbane iyo summadda hamsada iyo iyadu leh cod gaar ah.

Afka soomaaligu waxa uu u qaybsamaa guud ahaan labo qaybood oo waaweyn oo kala

ah:-

• Tix iyo

• Tiraab

Qeexid Tix

Tixdu wa qeyb hadalka ka mid ah waxa ay leedahay ridmo iyo qaafiyad u gaar ah oo

xaraf socota oo tuduca horey ama dhexda ka gala ku soo noqnoqda labo jeer,

saddex mar ama afar goor. Tixdu waa suugaan, suugaantuna waa maanso.

Maansaduna waxa ay ka kooban tahay qeybo badan waxaan ugu waaweyn:

• Gabayga

• Geeraarka

• Jiiftada

• Maansada

• Buraanburka

• Heesaha

• Guurowga

• Shiribka

• Weglada

• Maahmaahda

Xeerka tixdu waa in aad saddex waxyaabood dhowrtaa, munaasabadda, macnaha iyo

xarafkaba.

Qeexid tiraab

Tiraabtu waa qaybta hadalka ka mid ah ee aan lahayn ridmo iyo qaafiyad ama xaraf

ay ku socoto, waxa ayna ka kooban tahay murti, googaaleysi, sheeko, baaniso, oraah

iyo qeyb ka mid ah maahmaahda.

Xeerka Tiraabta loo adeegsado waa in loo ilaaliyo meel dhacdo iyo macno, laakiin

kugu dabrimeyso tiraabtu in aad xaraf iyo xubin midna ku socodsiiso ee hadalka

tiraabta ahi waad dheereyn kartaa waane gaabin kartaa.


                      


Post a Comment

halkan ii dhig wixii su'aal,fikrad ama talo siin ah.

Previous Post Next Post
soo dhawoow? WhatsApp aan kuwada sheekesano
Asc, walaal maxaan kaacaawiyaa? ...
Halkaan riix si aad...
Youtube Channel Image
ALI ABDI AHMED Subscribe saaro si aad uhesho muuqaaladii ugu danbeeyay
Subscribe