ASTAAMAHA QORAALKA
Astaamaha qoraalku waa calaamado loo adeegsado kala hagida
iyo hormogelinta qoraalka,waxayna ka ilaaliyaan in macnuhu is beddelo ama
qoraalku isku dhexyaaco.
Astaan walbana waxa ay leedahay howl ugaar ah iyo boos ay
buuxiso,haddii si qaldan loo adeegsadaa waxaa lumaayo jumladdii macneheeda.
Dhamaan afafka qoran oo dhan way kasimanyihiin cilmiga
astaameynta , waloow ay kukala duwanyihiin xaga tirade iyo adeegsigaba,
afsoomaaliguna waxa uu kamid yahay afafka qoran ee loo adeegsado astaamaha .
Astaamaha qoraalka ee afoomaaliga waa lawataneeyo balse aan
idinla wadaago ilaa iyo 12qeybood oo
kamid ah.
1.
Hakadka(,)
2.
Joogsi (.)
3.
Hakadjoogsi (;)
4.
Astaan wardhowr (:)
5.
Astaan xigasho(")
6.
Weydiin(?)
7.
Layaaab(!)
8.
Jiitin gaaban(-)
9.
Jiitin dheer(_)
10.
Gudub ama janjeedh(/)
11.
Hamsada(')
12.
Qaws()
HAKADKA
Qofka marka uu hadlaayo iskama wado uun hadalka ee waa uu
neefsadaa ama nastaa, nefsigiisina waxa uu lamicno yahay hakadka oo ah astaan
la isticmaalo marka hadalku isku xiranyahay macno ahaan balse kala go' soo dhex
galo, sidoo kale waxaa loo adeegsadaa kala saarida ereyo ama magacyo isku taxan
tusaale
dhamaan walidiinta ardayda,bareyaasha, iyo waalidiinta waxaa la
ogeysiinayaa in ay yimadan muqdisho.
JOOGSIGA
Wax kasta oo dhaqaaq sameeya ugu dambeyn wuu joogsadaa
haddaba si uu umuujiyo in la gaaray bardhamaadkii , micno buuxana usameeyo
hadalkii waxaa la adeegsadaa astaanta joogsiga, joogsiga dabadii waxaa bilaabma sadar cusub ama tuduc hor leh ,
waana in qoraalkaasi ama sadarkaasi cusub lagu bilaabaa xaraf weyn.
HAKADJOOSI
Hakadjoogsigu waxa uu ka agdhowyahay hakadka balse wuu ka
xeel dheeryahay, waxaana loo adeegsadaa sharaxaada iyo sababeynta, waxaa kale
oo loo adegsada kala saarida labo weedhood oo kala madax banaan lakiin isku sidkan.
ASTAANTA WARDHOWR
Astaanta
wardhowrta waxaa lagu muujiyaa hadal soo socdo ama qeexida walxaha tusaale
astaamaha qoraalka waxaa….. kamid ah hakadka,joogsiga iwm.
Sidoo kale waxaa loo isticmaalaa kala saarida waqtiga tusaale saacadu waa 09:26
Waxaa sidoo kale loo isticmaalaa saamiyada tusaale isku aadka buugaagta iyo ardeyda waa 1:5(hal ku shan)
ASTAANTA XIGASHO
Astaanta xigashada waxaa loo
adeegsadaa muujinta hadal qof kale leeyahay soo werintiisa tusaale wasiirku waxa uu yiri “dalku wuu hormaray” astaanta xigasho waxa ay kamid tahay
fasamooyinka lagu ilaaliyo xuquuqda qoraalka.
WEYDIIN
Astaanta weydiinta waxaa loo
isticmaalaa wax wey diinta tusaale yaa
qoral qoraalkan..
LAYAAB
Astaanta layaabka waxaa loo
adeegsadaa layaabka ,argagaxa iyo ladhacsanaanta tusaale Alla! waa libaax,
Alla! Bug qatar baad soo gadatay iwm.
JIITIN GAABAN
Astaanta jiitin gaaban waxaa loo
adeegsadaa ereyada lamaan.
JIITIN DHEER
Waxaa loo adeegsadaa kala saarida
qeybaha weedh iyo meel banaan.
GUDUB AMA JANJEEDH
Waxaa loo adeegsadaa muujinta
ereyo isku macno ah sida: baabuur/gaari sidoo
kale kala saarida taariikhda ,bilaha iyo ayaamaha sida: 15/6/2022
HAMSADA
Hamsada waxaa loo adeegsadaa kal
goynta ereyga ay isku xigaan seddax shaqal sida: go'aan, la'aan.
QAWS
Qaws waxaa loo adeegsadaa
sharxida iyo muujinta wax isku dhigma tusaale
aqal gal (aroos).
ASTAAMAHAAN IYO KUWA KALE OO BADANBA WAXA AY MICNO U YEELAAN OO
NAASHNAASHAAN AMA BILAAN AORAALKA, LA’AANTOODNA HADALKU WAXA UU NOQON LAHAA
RAASHIN QALALAN OO IIDAAN (SUUGO) LA’AAN AH , WAANA LAGU MERGAN OO QOFKA KAMA
DAGAYO.
SIDAASI DARAADEED WAXAA INALA GUDBOON INAAN KU BARAARUGNO OO AYNAYNU
MARNABA ILAAWIN AHMIYADA AY LEEYIHIIN.
HADII AAD WAXBADAN FAA'IDEY NAGU SOO BIIR SAAXIIB
Post a Comment
halkan ii dhig wixii su'aal,fikrad ama talo siin ah.