SHEEKADA GUUSHA EE MORGAN FREEMAN.
Sababta dad badani uga aaminsan yihiin fikir qaldan guushu waa iyagoo arka uun natiijada ugu dambaysa ee shaqo adag oo uu qof soo qabtay, isla markaana umaleeya inay nasiib ahayd.
Wali ma maqashay sheekada nin la lagu magacaabo Morgan Freeman haddii aad waxbadan daawato filimada hollywood-ka waxa laga yaabaa inaad ogtahay inuu ka mid yahay aktarada hollywoodka loogu tixgalinta badan yahay, ee ku guulaystay marar badan bilada filimada ee loo yaqaano ( Oscar prize).
Morgan wuxuu jeclaa inuu noqdo aktar, lacagtiisa iyo waqtigiisa inta ugu badan wuxuu ku bixin jiray si uu u daawado aflaamta Marar badan waxa uu isku dayay inuu noqdo aktar balse kumuu guulaysan.
Waqti aad u dheer kadib wuxuu is arkay isagoo duuliye ka ah diyaaradaha milateriga.
Waqti kadib Morgan wuxuu xaqiiqsaday in mihnada uu dhab ahaan u jecelyahay ay tahay akteernimada, waxaanu go'aansaday inuu daba socdo oo aanu ka harin sidii uu actar u noqon lahaa.
Morgan da'diisii waxay gaadhay 45 jir isagoon wax guul weyn ah gaadhin
Laakiin muu niyad jabi wuxuu sii wado iskudaygiiba, wuxuu guulaystay markay da'diisu gaadhay 50 jir ilaa uu kama dambaystii matalay filimada caanka.
Markay da'diisu noqotay 67 jir Morgan Freeman wuxuu ku guulaystay bilada aflaamta kadib jilidiisii loo wada bogay ee filimkii la magac baxay "Million dollar baby"
CASHARADA LAGA BARANKARO NOLOSHII MORGAN FREEMAN.
1) Ma waxaad u malaynaysaa inaad ka habsaantay xiligaad riyooyinkaaga eryan
lahayd?
Wuxuu guul gaadhay markay da'diisu noqotay 67 sano jir, ma u malaynaysaa inaad da'a waynaatay?
Morgan freeman wuxuu bilaabay inuu guulaysto markii ay da'diisu noqotay 50 jir. Haddii aad u jeelantahay oo aad jeceshahay inaad ku guulaysato wax, wali maad habsaamin.
2) Ma Nasiibaa ? mise waa Adkaysi ?
Qofku si uu guul u gaaro waa inuu la kulmaa guul darooyin badan.
Morgan Freeman wuxuu guuldaraystay marar badan ilaa ay da'diisu gaadhay 40 jir isagoon wax guul ah gaadhin, balse maadaama oo uu ah qof aad u adkaysi badan wuxuu maareeyay inuu ku guulaysto riyadiisii markuu 50 jir gaadhay.
Dhinaca kale arintani nasiib ma'aha balse waa ku celcelin badan ilaa aad ka gaadhayso waxa aad rabto.
3) Raac Oo ka shaqee waxa aad jeceshahay.
kuma lihi kuma guulaysan kartid shay haddii aanad jeclayn balse dhab ahaan waxay noqon doontaa mid aad kuugu fudud inaad ku guulaysato waxaad jeceshahay marka la barbardhigo ku guulaysiga wax aad neceb tahay
Isku day inaad qabato , barato , kashaqeyso , ku mashquusho wax aad adiga jeceshahay taas waxay kuu fududeneysa inaad guul gaartid.
''HADAFKAADA IYO SHAQADAADA HA IS LAHADAN KUNA DADAAL WAXA KU ANFACAYA''
ALI ABDI AHMED.
Post a Comment
halkan ii dhig wixii su'aal,fikrad ama talo siin ah.