FAA'IDOOYINKA WAX AKHRISKA

1. AKHRISKU WUXUU MASKAXDA KA DAWEEYAA DHIAATOOYINKA 

In aad maskaxdaada geliso buug badan oo aad akhrido waxay dareenkaaga siinaysaa in  

maskaxdu ka fogaato dhibaatooyinka kale ee ku xeeran isla markaana diirada saarto 

waxyaabaha kale ee himilo iyo hiigsi ah ee ku qoran buugta. Akhrisku wuxuu ku tusayaa  

dhaqano badan oo kala duwan kuwaas oo aanad hore uga warhaynin amase aanad ogayn inay  

jiraanba. 

Wuxuu maskaxdaada u furayaa qaab cusub oo aad u fikirto, wax u aragto ama aad u qabato  

wax aad u malayn jirtay in aan la samayn karin ama la gaari karin. 

Murti ayaa waxay leedahay “Qofka aan wax akhrin waxba ma faa’iido dhaamo qofka aan  

wax akhrin karin” waxaa yidhi Mark Twain.

2.WAX AKHRISKA WAXA UU QUUDIYAA MASKAXDA 

Maskaxdeenu waa wax aad u awood badan hadba inta xog la geliyo ayay soo saartaa. Xubin  

kaste oo ka mid ah jidhka bini Aadamka ah waxay ubaahan tahay in shaqo loo diro. Calooshu  

waxay u baahan tahay cunno lagu quudiyo, jidhku wuxuu u baahan yahay jimicsi lagu quudiyo  

sidoo kale maskaxdu waxay u baahan tahay quudin taasi oo ah in ay wax akhrido. 

Wax akhrisku waxay baahi tirtaa maanka gaajaysan iyadoo siisa aqoon iyo waayo aragnimo  

aan dhamaad lahayn. Akhrisku wuxuu inaga caawiyaa in ay maskaxdeenu balaadhato oo  

xaddiga qaadisteedu aad iyo aad u weynaado. 

3. AKHRISKU WUXUU HORUMARIYAA XIRIIRKA IYO QAABKA OOFKA UHADLO 

Aqoon badan oo aad akhriska ku kasbataa waxay kaa caawin kartaa in aad si weyn  

uga qayb qaadan kartaa doodaha, waxaad awood u yeelanaysaa inaad bilowdo  

dOodo wax ku ool ah. In aad hayso xog ka badan kuwa kale, waxay faa’iido kuugu  

tahay inaad dhinacooga dhulka dhigto waayo waxaad si qoto dheer u haysaa xoggo  

badan oo la xiriira mawduuca markaas taagan. 

4.WAX AKHRISKA WAXA UU KORIYAA MASKAXDAADA

Buugta sheekooyinku waxay ku gaynayaan adduunyo aad iyo aad kaaga fog taasi  

oo aad ka dhex arki karto waxa ka dhacaya nolosha dadkaas isla markaana aad  

suuraysan doonto. Marka aad yeelato maskax wax qaabilaysa waxaad dhaxli  

doontaa oo aad waayo aragnimo u yeelan doontaa xilkasnimo, xeel dheeri iyo  

dhiiranaan.

5.DHAMAAN HOGAAMIYAYAASHA IYO KUWA GUULEYSTAY WAA AKHRISTAYAL 

Buugtu waa wax aad u awood badan oo badala nolosha aadanaha. Dhamaan dadka  

guulaystay waxay sheegaan in buug ay akhristeen inta badan badalay noloshoodii  

kuna hogaamiyay guulaha ay gaareen. 

Xogta iyo aqoontu waa awood taasi oo ah toobiyaha guusha, haddii aad aqoonta  

saxda ah ku daabaasho noloshaada waxay kugu hagaysaa guul midho dhal ah. 

7.WAX AKHRISKU WUXUU DHIIRO GALIYAA HAL ABUURNIMDA 

Talaabada ugu weyn ee aqoon lagu korodhsado waa akhriska. Waxyaabaha ugu  

awoodda badan ee aanay dadku badanaa ogayn ee loo addeegsado horumarinta  

naftu waa akhriska. 

Wax akhrisku wuxuu kaa caawinayaa inaad noqoto qof maskax furan. Mid ka mid  

ah faa’iidooyinka akhrinta buugta, warsidaha ama maqaalladu waa inay kuu koriso  

maskax ahaan iyo ruux ahaanba, akhrisku wuxuu kor u qaadaa qaabka uu qofku u  

fikirayo, inuu wax diirada saarto taasi oo qofka ka dhigaysa mid xikmad leh isla  

markaana la jecel yahay. 

8.WAX AKHRISKU WUXUU KOR UQAADAA CAAFIMAADKAADA 

Dad badan waxay ogsoon yihiin in akhrisku uu leeyahay nafis iyo raaxo lagu  

dareemo wakhtiga habeenkii, wuxuu si aayar ah kuugu keeni karaa hurdo, waayo  

waxa uu kaa saarayaa dhibtaadii howlaha adduunyo ee maalinta dhan qofku soo  

maray isla markaana maskaxda ayuu u furayaa bog cusub oo lagaga nasto  

hagardaamadii maalinkaas.


                  AQRISKU WAA CUNTADA MASKAXDA 

Post a Comment

halkan ii dhig wixii su'aal,fikrad ama talo siin ah.

Previous Post Next Post
soo dhawoow? WhatsApp aan kuwada sheekesano
Asc, walaal maxaan kaacaawiyaa? ...
Halkaan riix si aad...
Youtube Channel Image
ALI ABDI AHMED Subscribe saaro si aad uhesho muuqaaladii ugu danbeeyay
Subscribe